Saraakiil Al Shabab ka tirsan oo lagu dilay Gobolka Jubada Dhexe.

Ciidamada Gaarka ee Dowladda Mareykanka, ayaa la sheegay in ay dileen in kabadan, 30 dagaalyahano oo ka tirsan xarakada Al Shabab ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin saraakiil, kadib markii ay howgallo ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya Afartii maalin ee lasoo dhaafay.

Ilo ku dhow Dowladda Mareykanka, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa Axadii shalay sheegay, in howgalkaasi uu dhacay 10 ilaa 13 bishaan August, waxaana laga fuliya deegaanka Saakoow ee Gobolka Jubaladda Dhexe ee Soomaaliya.

“ Ciidamo Mareykan ah oo ay taageerayaan ciidanka Kumaandooska dowladda Soomaaliya  ayaa beegsaday deegaanka Saakoow, oo ay ku dileen in kabadan 30 dagaalyahan, kadib howgallo ay ka fuliyeen deegaanka ee dhacay 10 ilaa 13 bisha August, waxaana ku jira saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab”  ilo waareedyo ayaa Telephone-ka ugu sheegay Wakaaladda wararka ee Dalka Shiinaha ee Xinhua.

Ilo wareedyada la hadlay Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegay in Abu Ubeida loogu shakisanyahay in weerarkaasi lagu dilay ama ciidamadu ay gacanta ku dhigeen. Sidoo kale waxaa ay ilo wareedyaddau ay sheegeen in ku-xigeenadda Abu Ubeida oo uu ku jiro Afhayeenka Abu Mus’ab iyo xubo kale oo uu kamid yahay Abu Omar lagu dilay duqeynta.

Marka laga soo tago warbixintaan ay qortay Wakaaladda wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua,  ma jirto war kasoo baxay Dolwada Soomaaliya iyo maamuilka Jubaland ee ku aadan duqeymahaasi la sheegayo in xubno ka tirsan Al Shabab lagu dilay duqeynta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor