Sanduuqii Madoobaa ee laga helay Garacad oo la sheegay inuusan ahayn kii Diyaaraddii Malaysian Airlines.

Ganacsade deggan Degmadda Garacad ayaa dhawaan sheegay inuu helay Sanduuqii Madoobaa ee Diyaaradii Rakaabka ee laga lahaa dalka Malaysia, taasi oo la la’ yahay muddo 2 sanno.

Ganacsadahaasi oo magaciisa ku sheegay Gaashaanle Ciiraale waxa bartiisa Facebook soo dhigay muuqaalka Sanduuqa Madow ee uu helay.

Nin saaxiib la ah Ganacsadahaasi oo lagu magacaabo Maxamed Mire Faahiye ayaa u sheegay Wargeyska Rakyat Post on Sunday ee  ka soo baxa dalka Malaysia inuusan caddeyn Karin in qalabkaasi la helay loo gudbiyey Boliska Deegaanka iyo in kale.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Hay’adda Ammaanka Gaadiidka ee dalka Australia ayaa sheegay in qalabka laga helay Degmadda Garacad ee dalka Somalia aanu ahayn Qalabka Diyaaradda la raadinayo.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Sanduuqa Codka ee laga helay Xeebaha Somalia  yihiin noocyaddii Sanduuqa Codka ee la isticmaali jirey dabayaaqadii sannadihii 1960-aadkii ilaa 1970-aadkii, isla markaana ay suurtogal tahay in qalabkaasi yahay midka Diyaaradaha ama Maraakiibta.

Si kastaba ha ahaatee, Diyaaradda Malaysia Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 waxaa la waayey bishii Maarso 8-dii ee sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ay ka soo kacday Garoonka magaalla-madaxda dalka Indonesia ee Kuala Lampur, kuna sii jeeday Caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing.

Diyaaradaaasi waxaa la socotay 227 qof oo rakaab ah iyo 12 shaqaalaha Diyaaradaha, kuwaasi oo weli la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor