Saldhigii Al-Shabaab ee Gobolka Jubbada dhexe oo la burburiyay

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa lagaga hadlay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo  al Shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidamada Soomaalida ee sida gaarka ah u tababaran oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhigan oo ahaa goob tababar, waxaa qoraalka ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in hawlgalkaasi u dhacay si guul ah, isla markaana lagu burburiyey Taliskii Shabaab iyo weliba isku xidhkii sahayda.

Qoraalka Madaxweynuhu soo saaray ayaa lagu sheegay in tani ay si weyn u dhaawacayso awooddii  al-Shabaab u yeelan lahaa inuu weeraro cusub ku qaado meelo ka mida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta amnigu ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa, isla markaana weerarkani uu kor u qaadayo ammaanka, hoosna u dhigayo weeraradii dagaalyahanada Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media