Safiirkii Dowadda Norway u joogay dalka Turkiga oo loo yeeray.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga ayaa xaqiijiyey in loo yeeray Safiirka, loona gudbiyey cabasho ku aadan Tallaabadda ay Norway magangelyadda ku siisay Saraakiil ku lug lahaa Afgembigii Fashilmay ee sannadkii hore ka dhacay Turkiga.

Arrintan ayaa timid, kadib, markii ay Koox ka tirsan Saraakiisha Milliteriga Turkishka ee saldhigooda ku yaallo dalka Norway diideen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, kuwaasi oo lala xiriirinayo Afgembigii Fashilmay.

Dowladda Norway ayaa la sheegay inay Saraakiishaasi shalay u oggolaatay magangelyo-siyaasadeed  oo ay ku joogi karaan dalkaasi.

Dhinaca kale, Askari Turkish ah oo lagu dilay weerar ka dhacay K/bari ee dalkaasi.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Maleeshiyadda PKK weerareen Askar ku sugnaa Gobalka Hakari, iyadoo Hal Askari la dilay, 4 kalena la dhaawacay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Askarta dhaawaca xaalladooda hagaagsan tahay, lana dhigay Isbitaal.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media