Safiirkii dalka Raashiya u joogay dalka Sudan oo la helay maydkiisa

Boliska dalka Sudan ayaa sheegay in maydka Safiirkaasi oo lagu
magacaabi jirey Mirgayas Shirinskiy laga helay maydkiisa Baraag lagu dabaasho oo ku dhex taallay Hoyga uu ka deganaa magaalladda Khartoum.

Afhayeenka Boliska Sudan oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inuu Danjiraha u geeriyooday si caadi ah, wuxuuna Safiirka la xanuunsanaa cuddurka Dhiigg Karka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sudan waxay Dowladda Raashiya uga tacsideysay geeridii ku timid Safiirkooda, oo ay ku amaaneen dadaalkiisa Diplomaasiyadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media