Safiirka Kenya u joogay Sacuudiga oo dhaawacmay

Danjiraha Kenya u jooga Sacuudiga, Ambaasador Mohamed Mohamoud ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, kadib, markii uu shalay galay Shil gaari.

Danjiraha ayaa la sheegay inuu ka dhaawacmay Madaxa iyo Garbka, kadib, markii gaari ku socday si  xawli ah uu jug siiyey Safiirka.

Shilka ayaa waxaa la sheegay inuu dhacay xilli uu ka sii rawaxayey Xafiiskiisa, waxaana lagu soo waramayaa inay haatan xaalladiisa caadi tahay, walow uu weli ku jiro Isbitaalka.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor