Safaaradda Sacuudiga ee Nairobi oo loo xil-saaray Hawlaha Haweenka Soomalaida ee doonaya inay u shaqo tagaan Sacuudiga

Wasaaradda Shaqada ee dalka Sacuudiga ayaa si rasmi ahaan u shaacisay Sharciga lagu qaadan doono Haweenka Soomaalida ee doonayo inay Xirfadda Adeegtanimo kaga xoogsadaan Sacuudiga.

Safaaradda Sacuudiga ku leedahay dalka Kenya ayaana loo xil-saaray inay qaabilaan codsiyadda Haweenka Soomaalida ee Shaqo-doonka ah, si la iskula meel dhigo Safarkooda.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada ee Sacuudiga ayaa lagu muujiyey in haweenka soo codsanayo shaqada  Adeegtanimadda ay ka soo qaataan  Wasaaradada Amniga ee Somalia  Warqadda Caddaynta Dembi La’aanta.

Waxaa kaloo laga doonayaa inay Waraaqaha Cafimaadka ee muujinaya Talaalka iyo inaysan wax cuddur qabin ka soo qaataan Xarumaha Caafimaadka Somalia, si ay  xiriirka Elektoroonikaddaugu soo gudbiyaan Safaraadda Sacuudiga ku leeyihiin Nairobi.

Dhinaca kale, Madaxa Guddiga Qorista ee Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee magaalladda Riyaadh, Mishari Al-thufayri ayaa sheegay in aysan weli kala caddayn kharajka la siinayo Shaqaalaha Adeegtooyinka ee laga soo qaadanayo Somali iyo dalal kale oo Afrikaan ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay Wasaaradda Shaqada Sacuudiga muhiim tahay inay xaliyaan dhibaatooyinka soo wajahi kara Shaqaalaha Adeegtooyinka, marka ay shaqo u bilaabaan Qoysaska Sacuudiga.

Waxa uu farta ku fiiqay inay muhiim tahay in la isla meel dhigo dhinaca Mushaaraadka, iyadoo qoraal-qabyo ah oo ay  Dowladda Scauudiga diyaarisay  muujinayo in mushaarka Adeegto kasta noqon doonto 800 oo Riyaalka Scauudiga.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor