Safaaradda Mareykanka oo si rasmi ah looga furay Qudus

La WDowladd Mareykanka ayaa si rasmi ah safaaraddeda uga soo rartay magaalada Tel Aviv, una guurisay magaalada Qudus maanta, in kasta oo 37 Falastiiniyiin ah lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay rabshado ka dhacay xadka Gaza
.

Meel wax ka yar 100 KM u jirta halka ay rabshadaha ka dhaceen, saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Israel ayaa isugu soo ururay magaalada Qudus, halkaasi oo safaaradda si rasmi ah looga furay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa iska dhego tiray dareenka dowlado badan oo dunida ah bishii December, markii uu ku dhawaaqay inuu safaaradda Mareykanka u rarayo magaalada Qudus.

Wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner, oo ah la-taliye ka tirsan Aqalka Cad ayaa ka mid aaah wufuudda Mareykanka ee ka qeyb galay munaasabdda furitaanka.

“Ayada oo madaxweynayaashii ka horreeyey Trump ay ka laabteen ballanqaadyadoodii ahaa inay safaaradda Mareykanka u rarayaan Jerusalem, madaxweynaha wuu ka dhabeeyey ballanqaadkiisa, sababtoo ah marka madaxweyne Trump uu ballanqaad sameeyo wuu ka dhabeyaa” ayuu yiri Kushner.

Hadal muuqaal ahaan looga baahiyey furitaanka safaaradda, ayuu Trump ku sheegay in safaarad Mareykan oo ku taalla Jerusalem ay ahayd wax muddo fog soo socday, islamarkaana Jerusalem ay tahay caasimadda Israel.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor