Saddex ka mid ah Wadamada Afrika oo si kulul uga hadlay qarixii Adis-Ababa

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kulul ucanbaareeyay Qaraxa, Isagoo sheegay in weerarada argagixisada aaney Saameyn ku yeelaneynin dadaalada ka socda Dalalka Gobolka ee hormarka la xiriira.

“Waxaan si adag ucanbaareynayaa Qarixii maanta lagula beegsaday dadkii ka soo qeybgalay isu soo bixii lagu taageerayay RW Itoobiya Dr. Abiye Axmed, Horumarka Ethiopia iyo Midka Gobolka ma aha mid lagu hor istaagi karo ARgagixin iyo Fowdo” ayaa lagu yiri Qoraal uu Madaxweyne Farmaajo ku soo daabacay Bartiisa Twitterka.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaa isaguna dhankisa ku biiriyay Canbaarenta, weerarkii lagu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb galayay banaan bax ballaaran oo ka dhacay Fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in Dadkii ka dnabeeyay isku daygaa weerarka ah ay ahaayeen kuwo ka soo horjeeda Siyaasada Cusub Abiy Ahmed ku xoojinayo Midnimada Qaran ee dalkiisa.

Dalkii ugu horreeyay ee weerarkaas cambaareeya waxaa uu noqday Dalka Eritrea oo ay derisyihiin Itoobiya  colaad gaamurtayna u dhaxeysay ka hor inta uusan Abiye talada la wareegin.

Danjiraha Eritrea ee Japan, Estifanos Afeworki,waxaa uu qaswadayaal ku tilmaamay kuwa qaraxa ka geystay Adis ababa,waxaana uu intaas ku daray in Itoobiya u biloowday waqti casri ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor