Saddex ka mid ah Golaha Wasiirada oo looga yeeray Baarlamaanka

Gabagabada kulankii Golaha Shacabka ee Maanta lagu qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa looga yaaray Saddex ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiiradaan ayaa kala ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abuukar Nuur iyo Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xussen Xaaji.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa Gabagabada kulankii Maanta sheegay in Saddexdaas Wasiir ay yimaadaan xildhibaanada hortooda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa laga weeydiin doonaa arrintii ku saabsaneyd wax ka bedelka lagu sameeyay Xeerka Saxaafada ee horay loo ansixiyay.

Wasiirka Cadaalada ayaa isna waxaa Su’aalo laga weeydiin doonaa arrinta ku saabsan Sharciga Musuq maasuqa o ay horay u gudbisay Wasaarada Maaliyada.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Fowziyo Abuukar Nuur ayaa iyana wax laga weeydiin doonaa qorshayaasha Guud ee Shaqada Wasaaradaas iyo waxyaabihii u qabsoomay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media