Saddex Burcad Koonfur Afrikaan dishay Ganacsade Somali ah oo la wada xukumay.

maxkamadMaxkamadda Sare ee magaalladda Pretoria ee dalka Koonfurta Afrika waxay xukun ku riday Saddex Gacan-ku-dhiigle oo lagu helay inay dileen Ganacsade Soomaaliyeed oo la oran jirey Axmed Salaad.

Gacan-ku-dhiiglaayasha waxaa la sheegay inay bishii June ee sannadkii 2012-kii  Marxuum Axmed Salaad ku dhex dileen Dukaankiisa oo lagu magacaabi jirey Mike Supermarket, oo ku yaallay Deegaanka Mdutjana ee Degmadda Mpumalanga.

Ganacsadaha waxaa xilligaasi Dukaanka la jiiftay labo ka mid ah saaxiibadiisa, iyadoo uu mid ka mid ah cararay,  halka kii kalena uu isku qariyey qeyb ka mid ah Dukaanka..

Mid ka mid ah Gacan-ku-dhiiglayaasha oo  lagu magacaabo Themba Mathibela ayaana la sheegay inuu Ganacsadaha toogtay, ka hor intaysan isaga iyo burcadda kale khasnadda kala bixin lacag dhan 2,500 rand oo ah Lacagta laga isticmaalo dalkaasi.

Garsooradda lagu magacaabo Mamona Teffo waxay Gacan-ku-dhiiglayaasha ku xukuntay min 20-sanno oo Xabsi ah, inkastoo xukunkoodu ahaa Xabsi Daa’im.

Garsooradda waxay kaloo sheegtay in Marxuumka la dilay uu dalka Koonfur Afrika u yimid si uu u helo nolol Fiican iyo inuu u shaqeeyo dadkiisa ku nool Somalia.

Marxum Axmed Salaad  waxa uu ahaa Ganacsade Dhallinyarro ah, wuxuuna ahaa 26-jir ah.

 

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor