Sacuudiga oo u hanjabay Soomaaliya hadii uusan Xariirka u jarin Qatar

Dowladda Sacuudiga ayaa haatanh bilaawday cadaadis ay sareyso qaar ka mid ah wadamada Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya si ay ugu taageeraan xayiraadii ay saareen Xulafada Sacuudiga dowlada Qatar kadib markii Soomaaliya ay dhex dhexaad ka noqotay.

Sida ay qortay Jariidada Lemond ee kasoo baxda dalka Faransiiska waxaana Sacuudiga ay sheegtay in Muwaadininta Sooamaliyeed ku aadkaan doonto helitaanka Visaha gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in talaabooyinka dowladda Sacuudiga ay qaadi doonto ay ka mid yihiin in ay taareearda kala laabato dowladdaha aan weli xiriirka u jarin dowladda Qatar iyo adkeynta Sharciyada dal ku galka ah Sacuudiga.

Marka laga soo tago Cadaadiska dowladda Sacuudiga ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay diiday lacag dhan   80Million oo doolarka Mareykanka oo xiriirka loogu jarayo Dowladda Qatar.

Lama oga in dowladda Sacuudiga ay hadalkaan ka dhabeyn karto,waxase xusid mudan in taasi ay keeni karto dhibaato hor leh oo soo food saarta qaar ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media