Sacuudiga oo sheegtay inay bixin doonaa Kharajka Mushaaraadka Ciiddanka Dowladda Federalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud waxay yeesheen Kulan ballaaran oo ay kaga wada hadleen xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Amniga, Dib-u-dhiska iyo Sugidda Ammaanka Mandiqadda Badda Cas.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Mxaamuud waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Sacuudiga, ahana Dhaxal-sugaha Labaad ee dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis, oo ay isla qaadaa-dhigeen xaalladda guud ee dalka Somalia iyo Kaalinta Sacuudiga ka qaadan karto Taageeradda Ciiddanka Dowladda Federalka, gaar ahaan dhinaca Mushaaraadka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu kulamo la qaatay Wasiiradda Maaliyadda, Beeraha, Arrimaha Awqaafta ee dalka Sacuudiga oo ay isla eegeen xiriirka walaaltinimo ee  Somalia iyo Sacuudiga, Dhaqaalaha, Ammaanka, Horumarinta Beeraha iyo Maalgashiga Mashaariicda Horumarnta.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay inay Madaxweynaha ku wehliyeen Kulamadaasi

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor