Sacuudiga oo lagu xiray dad u dhashay Maraykanka iyo Belgium oo lala xiriirinayo Argagixiso.

Wargeyska Arab News ee ka soo baxa dalka Sacuudiga ayaa qoray in la xiray 43 Eedeysanayaal lala xiriirinayo Kooxaha Argagixisadda.

Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay muddo 9 bilood wadeen Hawlgal lagu soo qabanayo dadka looga shakiyo Argagaxisnimo, waxaana ka mid ah dadka la soo qabtay 4 u dhalatay dalka South Africa, Muwaadin Maraykan iyo mid u dhashay Belgium.

Ilo dhinaca Amniga Sacuudiga ayaa sheegay in Muwaadinka Belgiumka la qabtay bishan November 21-dii, kadib, markii lagu helay isagoo faraha kula jira fal Argagixiso.

Isla bisha Nov 22-da, waxaa la qabtay 12 Eedeysane oo 6 u dhalatay Sacuudiga iyo 4 South Afrikan ah.

Bishan Nov. 17-dii waxay Ciiddanku xireen 7 Eedeysane oo 3 ka mid Sacuudiyaan yihiin, Labo Yemeni iyo Labo u kala dhalatay Syria iyo Afganistan.

Bishan Nov 19-da, waxaa la xiray 6 Eedeysane oo Sacuudiyaan ah.

© Radio Dalsan

Xigasho: Arab News

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor