Sacuudiga oo la sheegay inaysan raalli ka ahayn Kaalinta Jabuuti ee La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab

Dukuemntiyo qarsoodi ah oo ay soo bandhigeen Kooxda  Burcadda jabsata Xogaha Kombiyuutaradda iyo Internetka ee  isku magacowday The Yemen Cyber Army” ayaa waxaa ku jiray Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga bishii May ee sannadkan u direen Dowladda Maraykanka.

Wakaalladda Wararka Fars News Agency (FNA) ee Iiraan ayaa soo bandhigtay Dukumentiyadda lagala soo baxay Xogaha Kombiyuutaradda Sacuudiga ee la jabsaday, iyadoo mid ka mid ah muujinayo sida loogu baahan yahay in ay Dowladaha Sacuudiga iyo Jabuuti kaga hortagaan Awoodda Iiraan ee ku xoogeysnayso gudaha dalka Jabuuti.

Wakaalladda FNA ayaa sheegtay in nuqul ka mid ah Warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga loo soo diray iyaga iyo Websaytka ku caanka baxay Kashifaadda Wararka iyo Warbixinadda Xasaasiga ah ee WikiLeaks.

Wakalladda waxay kaloo shaacisay in mid ka mid ah Qoraallada laga helay Kombiyuutarada Sacuudiga ahaa qoraal uu Danjiraha Sacuudiga u jooga dalka Jabuuti kula taliyey  Wasaaradda Arrimaha Sacuudiga inay lama huraan tahay in la qaado Tallaabooyin lagu khalkgal-gelinayo ama lagu joojinayo Dhaqdhaqaaqyadda Iiraan ka wadaan dalka Jabuuti.

Qoraalka waxa uu Safiirka Sacuudiga ku gacan-sayray hadalka Maraykanka ee ku aadanaa inay Sacuudiga ku goodiyeen inay tallaabo ka qaadi doonaan  falalka ay Dowladda Jabuuti ku xidid-siibayso Dagaalamayaasha Alshabaabka Somalia.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Dowlad xoog leh oo ka dhalata Somalia awoodi karto inayka guuleystaan Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia iyo Gacan-biyoodka Cadmeed.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inuu dal kasta qorshooyin iyo Danno ka leeyihiin dalka Somalia, taasi oo muujinayso inuu dalka Somalia leeyahy Xaalad Istaraatijiyadeed.

Dhinaca kale, Kooxda Burcadda jabsata Xogaha Kombiyuutaradda iyo Internetka ee  isku magacowday The Yemen Cyber Army” waxay maalintii Khamiistii la soo dhaafay soo bandhigeen Warbixino iyo Dukumentiyo ay kala soo dhex baxeen in ka badan 3,000 oo Kombiyuutaro iyo Severs-yo ay leeyihiin Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Gudaha iyo Gaashaandhiga ee Dowladda Sacuudiga iyo Kumanaan E-mailo.

 

Xigasho: FNA.

© Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor