Sacuudiga oo In ka badan kun Askari looga dilay Dagaalka Yemen.

Tan iyo markii uu dalak Yemen ka bilowday dagaalka sannadkii 2015-kii, waxaa la sheegay in Sacuudiga looga dilay in ka badan Kun Askari, kuwaasi oo badankooda lagu dilay Hawlgalo ka dhacay Xudduudka Labada Dal.

Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto waxay dagaal toos ah iyo duqeyn kula jiraan Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee taageera Dowladda Sharciga ee dalka Yemen.

Dhinaca kale, Ciiddanka Isbahaysiga Sacauudiga ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay Maleshiyadda Xuutiyiinta kala wareegaan Dekedda magaalladda Xudeydah ee Galbeedka dalka Yemen.

Afhayeenka Isbahaysiga Sacuudiga, Turki Al-maalik ayaa sheegay inay Ciiddankiisa 20-KM u jiraan Dekedda Xudeydah, isla markaana uu socdo Hawlgal Dagaal.

Ciiddanka Isbahaysiga iyo kuwa Dowladda Yemen waxay haatan ku sugan yihiin Deegaanka AL-DURAYHIMI oo 18-KM u jirta Dekedda Xudeydah.

Xigasho: Aljazeera

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media