Sacuudiga oo diiday in uu Wada-xaajood la yeesho Qatar, si loo xaliyo Xiisadda Khaliijka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Rekis Tillerson  ayaa sheegay hadalkaasi, kadib, markii uu Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, wuxuuna tilmaamay inuusan rajo buuxda ku qabin inay Dowladda Sacuudiga doonayso inay Wada-xaajood ka galan xalinta Khilaafka Khaliijka.

Rekis Tillerson  waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inaysan wada-xaajood ku khasbi Karin dad aan diyaar u ahayn inay wada hadlaan.

Bishii June 5-dii ayey Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar xiriirkii Diplomaasiyadeed u jareen dalka Qatar, kuna eedeeyeen inay taageerto Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, balse Qatar wey beenisay eedaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media