Sacuudiga oo beeniyay inuu diiday Xujey reer Iran ah iney sanadkan soo xajiyan

War ka soo baxay Safaarada Sacuudiga ee magaalada Tehran ayaa shaacisay in Dowlada Sacuudiga aysan marnaba diidin iney sanadkan soo xajiyan xujeyda ka imaaneysa wadanka Iran.

Xajka sanadkan ayaa dhici doona bisha September ee sanadkan,mana jiran dad ama dal gaar ah oo ay Boqortooyada Sacuudiga ka hor istaagtay ka qeybgalka xajka.

Wakaalada Turkiga ee Anadolu ayaa sheegeysa in Safaarada Sacuudiga ee wadanka Iran iney si buuxda u beenisay warkasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor