RW”waxaan dib u xaqiijinaynaa xiriirka xoogan aan la leenahay Sweden”

Kadib markii magaalada Muqdisho aan kula kulmay 16ka bishan Safiir Sweden Danjire Mikael Lindvall waxaa dib ugu xaqiijinay xiriirka wanaagsan oo aan la leenahay Boqortooyada Sweden iyo dadkeeda.

Waxaan u muujiyay mahadcelinta qotada dheer aan u hayno dowladda Sweden taas oo ku aadan dadaalada aan kala go’a laheyn oo ay la garab taagan yihiin Soomaaliya sidii dib u dhis ugu sameyn la heyd hay’adaheeda dowliga ah isla markaana ay u hanan lahaayeen maqaalkii ay ku dhex la heyd bulshada caalamka.

Sweden waxaa ay hoy u tahay tobonaan Kun oo Soomaali ah kuwaas oo  ganacsi ku haysta dalkaasi waxayna Qoysaskooda iyo Asxaabtooda Soomaaliya joogta siiyaan caawimaad muhiim u ah nolasha.

Dowladda Sweden waxaa ay hormuud u tahay xuquuqda aadanaha ee aduunka iyadoo ku celcelisa sida ay ugu go’an tahay ilaalinta kala duwanaanshaha isla markaana waxaa ay xushmaysaa dhamaan dhaqamada, Diimaha oo ay ku jiraan Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa hadalkiisa ku soo gebagebeeyay in xiriirka dhexeeya Soomaaliya Sweden uusan aheyd mid la jabin karin.

Xiriirkeena waxaa sii soo bilowday sanakii 1960 meeyadii, xiriirkaas oo ku dhisan danaha ay wadaagaan labada dhinac kaas oo ah horumarinta Nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya , xoojinta dulqaadka iyo xushmeynta dhamaan Caqiidooyinka ay aaminsan yihiin labada umadood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor