RW Soomaaliya oo ka qeyb galay Salaada Janaazada Yuusuf Bari Bari (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraaha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke, Safiiro iyo Xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda ayaa Maanta ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Safiirkii Soomaaliya ee Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari Bari).

Allaha u Naxariistee Meydka Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari Bari) ayaa waxaa loo qaaday Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal si Halkaasi loogu Aaso.

Danjiraha  Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa 27-dii bishan ku geeriyooday weererkii ka dhacay Hoteelka Maka Al-mukarama ee Al shabaab Masuuliyadiisa ay Sheegteen.

r1 r2 r3 r4 r5 r6 r7 r8 r9 r10 r11 r12 r13 r14 r15 r16 r17 r18 r19 r20 r21 r22 r23 r24 r25 r26 r27 r28 r29 r30 r31 r32 r33 r34 r35 r36

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor