RW Kheyre oo ka hadlay muhiimadda Duullimaadka Tooska ee Muqdishu iyo Nairobi.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha garoonka Caalamiga ah ee Aadan-cadde, taasoo lagu maamuusayay duulimaadkii u horeeyey oo toos ah muddo toban sano ah oo ay sameyneysay diyaarada African Air kuna wajahneyd magaalada Nairobi, iyada oo aan ku hakan garoonka Wajeer oo baaritaan dheeraad ah lagu sameyn jiray duulimaadyada ka baxa garoomada dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa arrinkan ku tilmaamay inuu yahay tilmaan muujineysa xiriirka dhow ee ay leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, isaga oo xusay in dadaalkan ay sameysay xukuumadii hore iyo hoggaankeeda.

Munaasabada ayaa waxaa joogay taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi, Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan-cadde, Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo Danjiraha Soomaaliya uga wakiilka ah Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan oo ah haatan Wasiirka Qorsheynta Xukuumada cusub.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaana halkan ku sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo toban sano kadib ee toos u aadaya Nairobi, isaga oon ku sii hakan doonin Wajeer, waxayna muujineysaa xushamada iyo qadarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri R.wasaare Kheyre oo sidoo kale xusay inay muujineyso in garoonka Aadan-cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii ka soo baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay Maamulka Garoonka iyo hogaanka socdaalka, isaga oo ku booriyay in laga feejignaado in aysan soo noqon in mar kale laga shakiyo duulimaadyada ka soo baxaya garoonka Muqdisho.

“Waa inaad hubin iyo baaris adag ku sameysaan duulimaadyada iyo dhamaamba qeybaha adeegyada bulshada ee garoonka, si aysan mar kale u soo noqon in duulimaadyada ka baxa dalkeena aan la oran la iskuma haleyn karo ee ha lagu sii baaro meelo kale.

IMG 9459

IMG 9468

IMG 9488

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media