RW Hore Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Radio Dalsan Uga Mahadceliyay Tartanka Degmooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa uga Mahadceliyay Radio Dalsan iney qabato Tartanka Bisha Ramadan oo ay ka qeybgalayaan 24 Degmo oo dhaca Koonfurta iyo bartamah Dalka.

Farmaajo ayaa sheegay iney aad u wanaagsan tahay in Markan lagu tartamo aqoon halka markii hore dhalinyaradda ay ku mashquulsanayeen Arrimo aad uga fog dhinaca Waxbarshadda.

tartanka Radio Dalsan Ee Sanadkan waxa iska kaashtay Hey’adda Wacyigelinta Bulshada Ee CCA,Shirkadda Daabacadda Supersign iyo Radio Dalsan.

Degmadii ku guuleysata Tartan bisha Ramadan Ee Idaacadda Dalsan waxa ay heli doontaa Abaalmarin qiimo leh oo aad uga duwan kuwii la bixin jiray Sanadihii aan soo dhaafnay.

Ramadan Kariim.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor