RW Cumar oo furay shirkii wada xaajoodka dowlada Fedraalka iyo Puntland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa saaka daah furay shir wada xaajood oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah golihisa wasiirada iyo Wasiirada Puntland, shirkaan ayaa waxaa diirada lagu soo saarayaa dib u eegista heshiisyadii ay wada galeen Puntland iyo Dowlada Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Gudiyada Madaxa banaan iyo shuruucda muhiimka u ah higsiga 2016.

Furitaankii shirka ayaa waxaa hadalo koob-kooban ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo nuux nuuxsady muhiimda uu shirkaan u leeyahay ka miro dhalinta higsiga 2016 iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Puntand iyo Dowlada Federaalka.

“Puntland waa hooyadii iyo Aabihii Federaalka waxayna markasta diyaar u tahay kana shaqaynaysaa sidii laysugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaase dhacda in mar-marka qaar la yeehso aragtiyo kala duwan, taas ayaana sabab u ah in laysugu yimaado kulamo.waxaa kulankaan qayb ka ah in lays weydiiyo maxaa imaan doona 2016 iyo dowaldnimada dhalanaysa waa noocee, marka waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah looga arinsado, iska waraqab joogto ahna la yeesho” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ra’iisul Wasaare Cumar oo si rasmi ah u daah furay shirka ayaa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay xukuumadiisa xaqiijinta 2016, taas oo ku imaan karta oo kaliya wada tashi balaaran oo ay ka yeeshan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada ka jira dalka.

“Hadaa nahay Madaxda dowlada federaalka ah waxey masuuliyad naga saaran tahay inaan wada tashiyo dheeraad ah kala yeelano cid kasta oo uu khuseeyo higsiga 2016, si loo helo dastuur loo qaaday afti dadweyne iyo in la helo dib u heshiisiin qaran oo dhamaan gaarta gobolada iyo degmooyinka dalka, wada xaajood kasta oo la yeesho wuxuuu u baahan yahay dulqaad, is faham iyo isu tanaasul, waxaan rajaynayaa inuu is faham iyo heshiis ka soo baxo shirkaan”
“Dhismaha ciidan qaran xukuumadu waxay u saartay gudi ay hogaaminayso Wasaarada Gashaandhiga waana inaan aragti midaysan ka yeelano dhismaha ciidan qaran, waa inaan helnaa ciidan qaran oo soo celiya karaamadii iyo Sharfta Soomaaliya, wadankana gaarsiiya horumar dhanka amniga ah” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kale uga mahadceliyey, reer Puntland sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen Garoowe.

Ugu danbayntii RW ayaa booqashooyin ku soo maray wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xabsiga dhexe iyo xarunta ciidanka asluubta, Jaamacada PSU oo uga qayb galay bandhig faneed lagu soo badhigay in kabdan 150 buug oo ay qoreen aqooyahano Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale RW Cumar dhagax dhigay Hoteel Casri ah oo ganacsato Soomaaliyeed ka dhisanayaa meel aan ka fogayn madaxtooyada Puntlanad.

—DHAMAAD–

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska RW
[email protected]

IMG 0775
IMG 0823
IMG 0840
IMG 0791
IMG 0830
IMG 0823
IMG 0858
IMG 0865
IMG 0868
IMG 0882
IMG 0924
IMG 0930
IMG 0987
IMG 1016
IMG 1022
IMG 1034
IMG 1138
IMG 1159
IMG 1198
IMG 1255
IMG 1265
IMG 1301
IMG 1340
IMG 1378
IMG 1422
IMG 1465
IMG 1468
IMG 1516

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor