RW Cumar C/rashiid oo Sheegay in dib loo Furayo Xawaaladaha Soomaalida Kenya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo waraysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dalka Kenya uu kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha Xawaaladaha oo dad badan oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidookale sheegay in dowladda Kenya ay hadda waddo shuruuc lagu maamuli doono shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida kaas oo fududeyn doono dib u howlgelinta Xaawalada, waxaana qorshahaasi hogaaminaya Bangiga dhexe ee Kenya, waxaana jiri doona shuruuc si ku meel gaar ah loogu howlgalin doono.

Dhanka kale Mr Sharmarke ayaa sheegay in uu qorsheynaayo in todobaadyada soo aadan uu booqasho ku tago Washington  si uu ugala hadlo dowladda Mareykanka arimaha ku saabsan Xawaaladaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor