RW Cumar” AMISOM kaliya Ma Xureynin Deegaanada Dowladda Ay Maamusho”

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Wareysi dheer siiyay Telefishinka Dalka Qatar Ee AlJazeera ayaa ka hadlay Howlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid oo wax laga Weydiiyay Howlgalka AMISOM iyo waqtiga ay Dalka ka bixi doonan Ciidamada howlgalkasi ku jira ayaa ku jawaabay in Howlgalka uu soo idlaan karo Marka ay guul gaarto Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid waxa uu shaaciyay in Ciidamadda Amisom oo kaliya ineysan xureynin Dhamaan Goobaha ay Dowladda Maamusho,waxa uu sheegay in Ciidamadda Dowladana ay gacan weyn ka geysteen Xureynta Deeganadasi.

Wareysiga oo aad u dheer waxa uu Ra’iisul Wasaare Sharmaarke uu sido kale ku shaaciyay in Doorashooyinka Sanadka Dambe Ee 2016 ay ka dhici doonan Dhamaan Dalka oo dhan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor