RW Boris Johnson oo diiday inuu is Casilo, xilli ay kasoo horjeedan xubno badan

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa difaacay booskiisa, iyadoo ay jiraan baaqyo ka imaanayay qaar badan oo ka tirsan xisbigiisa oo ku baaqayay in uu xilka ka dago.

Mr Johnson ayaa su’aalo ka jawaabayay Baarlamaanka dhexdiisa markii ugu horeysay tan iyo markii in ka badan 12 Xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ay iska casileen xilalkoodii, iyadoo sidoo kalena ay iscasileen laba wasiir oo sare.

Mid ka mid ah wasiirrada Iscasilay, oo ahaa Xoghayihii Caafimaadka, Sajid Javid, ayaa Baarlamaanka u sheegay in dhibitaadu ay ka bilaabatay xagga sare oo uusan filayn in wax isbaddal ah uu yimaado.

Si kastaba ha ahaatee Mr Johnson, ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax ka qaban doonto dhaqaalaha, wuxuuna ku adkeystay in shaqada uu sii wadi doono.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee shaqaalaha, Keir Starmer, ayaa sheegay in Britain ay hadda u baahan tahay isbeddel xukuumadda lagu sameeyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor