RW Boris Johnson iyo Xisbigiisa oo guuldarro kala kulmay Doorashooyin dhacay

Xisbiga Conservative-ka Britain, ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, ayaa guuldarro culus kala kulmay doorashadii ku celiska ahayd ee golaha sharci dejinta, oo Khamiistii ka dhacday UK.

Doorashada ayaa waxaa la sheegay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyay guud ahaanba mid ka mid ah Codadka goobihii doorashada, sida lagu muujiyay natiijooyinkii la soo saaray Jimcihii.

Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujiyay in musharaxa xisbiga Liberal Democrats, Helen Morgan, ay ka heshay gobolka North Shropshire codad gaaraya ​​6,000 oo cod, waxayna sida muuqato ka adkaatay musharaxii u tartamayay xisbiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Johnson.

Doorashooyinkii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay  inta badan deegaanada England ayaa u muuqda in looga gacan sareeyo Xisbiga Conservative-ka.

Arrinkan ayaa imanaya xilli xubnaha Baarlamaanka Uk, la sheegay in ay ku guul dareysteen inay soo rogaan xannibaado cusub oo lagula dagaallamayo Covid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor