Ruwanda oo Ciidamo xoojin ah u dirtay dalka Afrikada Dhexe iyo sababta keentay

Dowladda Ruwanda ayaa la sheegay inay 300 Askari u dirtay dalka Afrikada Dhexe, si ay u xoojiyaan Ciiddanka Nabad-ilaaliyaasha QM ee ku sugan dalkaasi.

Ciiddanka ka socda dalka Ruwanda waxay taageero ka geysan doonaan sidii loo ilaalin lahaa Waddada muhiimka ee sahayda gaarsiisa casimadda dalkaasi ee Bangii.

Daad-gureyntaasi waxay qeyb ka tahay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee 3,000 oo Askar dheeraad ah lagu xoojinayo Hawlgalka Nabad-ilaalinta QM u jooga dalka Afrikada Dhexe ee MINUSCA.

Afhayeenka Hawlgalkaasi, C/Casiis Faal ayaa sheegay in Ciiddanka Ruwanda sugi doonaan Waddada isku xirta magaallooyinka Bangii iyo Beloko.

Dhinaca kale, 450 Askari oo ka socda dalka Ruwanda ayaa la filayaa inay loo daabulo dalka Afrikada Dhexe dabayaaqada sanadkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor