Ruuxi Raxman: “Diinta Islaamka waa Diin Nabadeed, xitaa lama oggolo in la dilo quraanjo”

Waa gabar Muslimad ah oo deggan dalka Britain, waxayna si xogogaalnimo leh uga hadashay Nacaybka dadka Muslimiinta loogu muujiyo wixii ka dambeeyey Dhacdadii Kooxda Daacish ku weerareen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Ruuxi Raxmaan oo 23-jir ah ayaa waxay ka soo muuqatay Barnaamijka Subax Wanaagsan Britain “Good Morning Britain” ee aroor kasta ka baxa Telefishinka ITV, waxayna ka hadashay dhacdo dhibaato ah oo ay habeenkii Sabtida kala kulantay Tareen ay iyada iyo Walaasheeda ku safrayeen magaalladda New Castle.

Waxay sheegtay in nin ka mid ah Rakaabkii Tareenka uu u muujiyey Islaan-nacayb, isla markaana uu ku yiri Erayo moral ahaan qofka niyad jebin karta.

Sababaha ay Barnaamijka uga qeyb galayso inay tahay inay ka hadasho Dhacdadaasi, isla markaana ay Farriin u dirto ninkii la saarnaa Tareenka ee ku eedeeyey inay iyadu watay bam.

Koox ka mid ah raggii saarnaa Tareenka ayaa u sheegay ninkii inaan lagu soo dhaweyneynin Tareenka, wuxuuna ninkii Tareenka kaga degtay Palmersvile Metro.

Ruuxi Raxmaan oo ku dhalatay, ku kortay, kuna wax baratay dalka Britain ayaa tiri:- Waxaan u sheegaa inaan ka imid New Castle, kuna noolaa Britain nolosheyda oo dhan”.

Susanna Reid iyo Piers Morgan oo Barnaamijka Subax Wanaagsan daadihinayey waxay weydiiyeen Ruuxi waxay u sheegayso Ninkaasi, waxayna ku jawaabtay:- “ Waxaan oranayaa Baro Islaamka, kadib ayaad awoodi kartaa inaad tiraahdo Islaamku waa Diin Nabadeed”.

RUHI 1Waxay sii raacisay: “Ma naloo fasixin inaan dilno quraanjo, iskaba daaye qof”.

Waxay kaloo u mahadcelisay Rakaabkii la saarnaa Tareenka oo ay sheegtay inay badankooda ahaayeen Taageerayaasha K/cagta, kuwaasi oo ku qeyliyey ninkii ilaa uu Tareenka ka degayey

RUHI 5Ruuxi waxay dadkii u hiiliyey ku tilmaamtay sidii Malaa’ik oo kale, waxayna intaasi ku dartay inaysan weligeeda marnaba arkin wax la mid ah dhacdada ninkaas oo kale. Katrina Barber, 41 oo dhinac fadhiday gabdhaha Islaamka ee uu ninka faduuliyey ayaa soo gashay Khadka Barnaamijka Subax Wanaagsan ee ITV, waxayna sheegtay inay gabdhuhu ahaayeen labo gabdhood oo aad u fiican.

Waxay kaloo intaasi ku dartay inay iyada iyo gabdhaha ka wada hadlayeen cimiladaa sii qaboobayso, ka hor inta uusan  ninka imaanin, oo uusan bilaabin inuu ku qeyliyo gabdhaha sabab la’aan.

Dhacdada Ruuxu waxay si xooggan saamayn ugu yeelatay Warbaahinta Bulshadda, iyadoo dadka ammaneen Tallaabadii ay Rakaabka ka qaadeen ninka ku gardarooday gabdhaha Muslimadda ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dhacdada lagu ficlayo dadka Muslimiinta ee ku nool Europe ayaa soo shaac baxday wixii ka dambeeyey Qarixii bishan November 13-dii ka dhacay magaalladda Paris

Dembiyadda nacaybka ee Islaam-nacaybka “Islamophobia” waxa uu gaaray 275%, sida ay sheegeen Koox la socota Dhacdooyinka Faquuqa iyo Tacadiyadda kale ee Islaam-nacaybka.

Inta badan Dhibanayaasha la kulmo Tacadiyadaasi ayaa Dhallinyaradda Muslimiinta, Haweenka Xijaabka ku labisan, sida Ruuxi Raxiim oo kale.

RUHI 3

RUHI 1RUHI 4
© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor