Ruushka oo Dalbaday in la xaddido dhaq-dhaqaayo ay wadaan Isbaheysiga NATO

Ruushka ayaa dalbaday in la xaddido dhaqdhaqaaqa isbahaysiga militariga NATO ee uu Mareykanku horkacayo ay ka wadaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub.

Dalabaadyada, oo ay u badan tahay inaan laga oggolaan, ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Galbeedka ay ka baqayaan in Ruushku uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado deriskiisa Ukraine.

Ruushka ayaa arrintan beeniyay, balse wuxuu doonayaa in Nato ay isbahaysigeeda ka hor istaagto Ukraine iyo dalalka kaleba. Wuxuu sidoo kale codsaday wada hadallo deg deg ah oo uu la yeesho Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu u furan yahay wada hadal balse uu sidoo kale miiska soo saarayo dalabaadkiisa.

“Waxaynu Ruushka kala xaajooneynay arrimaha ammaanka Yurub 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri La Taliyaha Ammaanka Qaranka Jake Sullivan. “Taasi mararka qaar horumar ayaa laga gaaray, mararka qaarna way dhicisoobeen, balse waanu u diyaarsannahay wada hadal.”

Nato, oo markii hore loo aasaasay inay Yurub ka difaacdo khataraha suurtogalka ah ee uga imaan karay Midowgii Soofiyeetka, ayaa ciidamo waxay ka joogaan jamhuuriyadaha Baltic iyo Poland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor