Rug Ganacsi oo ay Soomaalidu ku leeyihiin Maraykanka oo la gubay.

jubba coffe and RestaurantWaaberigii hore ee saakayto, kooxo aan la aqoonin ayaa waxay Calaamadda Naasigii Hitler ku buufiyeen Baar ay Soomaalida ku leeyihiin magaalladda Grand Forks ee Gobalka North Dakota ee dalka Maraykanka.

Dabku waxa u ukhasaaro xooggan u geystay Baarkaasi oo caan ah, laguna magacaabo Jubba Coffee House.

Kooxaha dab-damiska ayaa ku guuleystay inau muddo 20-daqiiqo damiyaan dabkaasi, mana jiraan dad ay waxyeello ka so ogaareen dabkaasi.

Boliska magaalladda Grand Forks ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadaasi, waxayna Dembi Nacayb ah ku tilmaameen Calaamadda Naasiyiinta ee lagu buufiyey derbiyadda Baarkaasi.

Waxaa kaloo loo buufiyey Oraah ahayd:  “Go Home” oo la micno ah “Aada Gurigiina”

Dhinaca kale, Khasaaraha uu dabkaasi geystay ayaa lagu qiimeeyey ku-dhawaad 90,000 oo Dollar.

Waa Dabkii Labaad ee goobaha Ganacsiga Soomaalida ku leeyihiin magaalladda  Grand Forks  loo geysto dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

grand forks 3 jubba coffe and Restaurant grand forks 1 grand forks 0000

© Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor