Roob Duufaan wata oo Dad ku dilay Gobolka Bari

Ugu yaraan Laba Qof oo uu mid ahaa ganacsade lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariistee, Abshir Jaamac Faarax ayaa ku geeriyootay Dad intaa ka badanna waa lagu la’yahay markii uu Daad la tagay Gaadiidkii ay ku safrayeen inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho.

Waxaa go’an Isgaarsiinta qaybo ka mid ah Gobolka Bari, waxanay Daadadka ka dhashay Duufaanta Sagar oo Saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay qaybo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland sababtay qasaara Nafeed iyo mid hantiyeed, iyadoo ku dhawaad 100 Neef oo Xoolo ah ku dishay Gobolka Sanaag.

Gaadiid badan oo xamuul ka keenay Boosaaso iyo Dadkii saarnaa ayaa ku xanniban hareeraha Dooxooyinka u dhexeeya Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, xilli laga xagaa baxayo Dhulka Xeebaha ah ee kulaala Badda Cas.

Waxaa sidoo kale xanniban Gaadiidkii isaga kala gooshayay Magaalooyinka iyo degaannada Soomaaliland, iyadoo ay Duufaantu burburisay Laashah badan oo ay lahaayeen Kalluumaysatada Gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta iyo hay’adaha ka howl-gala Puntland iyo Soomaaliland ayaa Saacadihii aynu soo dhaafnay farayay Gaadiidlayda iyo Dadka xeebaha ku nool inay ama ka shaqaysta inay ka feejignaadaan isla markaana ay yareeyaan dhaq-dhaqaaqooda si uu u yaraado qasaaraha ka dhalan kara Daadadka iyo dabaylaha socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media