Roob daadad wato oo 6 ruux ku dilay gobolka Awdal

Wararka ka imaanaya gobolka Awdal ee maamul goboleedka Somaliland ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 ruux ay halkasi ku dileen roobab daadad wata oo halkasi ka hooray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in daadadkasi ay khasaare kale oo burbur u badan ay u geysten dhismooyin ku yaalla deegaanka Dila ee gobolka Awdal sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Awdal mudane Maxamuud Cali Saleeban Rabaax.

ku dhawaad 20 ruux ayaa maalmo ka hor iyagana fatahaadyo ay ku dilen xarunta ismaamulka Soomaalida-Itoobiya ee Jigjiga.

Dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland ayaa ka cabanayay roob yari iyo abaaro xoogan oo deegaanka ku dhuftay balse imminka roobab lagu diirsaday ayay dadkasi helen.