Robert Mugabe oo Maanta la kulmi doono Ku-xigeenkiisii hore

Iyadoo lagu wado in Barlamaanka Zimbabwe maanta ka hadlaan Xil-ka-qaadista Madaxweyne Mugabe ayaa waxa uu Madaxweynuhu la kulmi doonaa Ku-xigeenkiisii hore Emmerson Mnangagwa, kaasi oo uu xilka ka qaaday bishan November 4-dii.

Taliyaha Ciiddanka dalkaasi, Jeneral Konastantino Jiwenga ayaa sheegay in horumar laga gaaray Kulankii ay la lahaayeen Madaxweyne Mugaabe, oo uu kala shaqeynasyo sidii Xal loo gaari karaa iyo Hiigsiga Cusub ee dalkaasi.

Madaxweynaha 93-jirka ah oo talada dalkaasi hayey tan iyo Xorriyadii dalkaasi sannadkii 1980-kii waxa haatan soo wajahday cabsida Xil-ka-qaadista, iyadoo horey looga qaaday Xilkii Hoggaamiyaha Xisbiga haya Talada dalkaasi ee ZANU PF.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media