Riwaayad ay dhigi lahaayeen fanaaniin Soomaaliyeed oo la baajiyey

Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii Fannaaniin saldhigooda yahay magaalladda London ee dalka UK culays kaga yimid Fiisaha Dal-ku-galka ee ay ku tegi lahaayeen Maraykanka.

Dib-u-dhaca dhinaca Fiisaha Dal-ku-galka ee qabsatay Fannaaniinta Soomaalida ee Muslimka ah ayaa khasbatay inay Guddigii Qabanqaabadda Riwaayadaasi kansal gareeyaan fasaxii halka bil ee ay Fannaaniintaasi ku joogi lahaayeen Maraykanka.

Fannaanka Aar Maanta iyo Kooxdiisa qeybta ka ah Midnimo ayaa la filayey inay booqashadooda isbuucan ka bilaabanto Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Hadal ka soo baxay Xarunta Dhaqanka KEDAR ee magaalladda Minneapolis ayaa lagu sheegay in dhamaan xubnaha Fannaaniinta heleen Fiisaha Dal-ku-galka Maraykanka, marka laga reebo Fannaanka Aar Maanta.oo isaga sheegay inuu ka argagaxay in isaga keliya loo diido Fiisahaasi.

Dhinaca kale, Xarunta Dhaqanka KEDAR waxay 2 jeer casuumaad u fidiyeen Fanananka Aar Maanta sannadkii 2012-kii iyo 2015-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media