(DAAWO): Reer Jowhar oo u dabaal-degay Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dibadbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo Maamulka Jowhar ayaa waxaa maanta lagu qabtay magaallo-madaxda Gobalkaasi ee Jowhar.

Dibadbaxaasi oo ay ka soo qeyb galeen Boqolaal qof oo isugu jirtay Madaxda Gobalka, kuwa Degmadda iyo Ururadda Bulshadda ayaa waxay Reer Jowhar ku taageerayeen Wareegtaddii Madaxweynaha Dowladda Federalka ku iclaamiyey inay Jowhar marti-gelin doono Shirka Maamul-gobaleedka loogu samaynayo Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/dhexe, Cali C/laahi Xuseen Guudlaawe, Gudoomiyaha magaalladda Jowhar, C/qaadir C/lle Buur-fuule, G/xigeenka Arrimaha Bulshada ee Sh/dhexe, Muxumed Sugaal Cismaan, Odayaal-dhaqameedyo iyo dadweyne ayaa ka hadlay Bannaanbaxaasi, waxayna shucuurtooda ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Labada Gobal ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhinaca kale, Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay dibadbax lagu taageerayey Wareegtadii uu Madaxweynaha ku shaaciyey inay Buulo-burde tahay Caasimadda KMG ee Maamulka cusub ee loo dhisatyo Hiiraan iyi Sh/dhexe.

Waxaa kaloo dibadbaxaasi lagu taageeray Yuusuf Axmed Hagar oo mar kale loo soo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Hiiraan.

JOWHAR 1 JOWHAR 3 JOWHAR 4 JOWHAR 6 JOWHAR 5 JOWHAR 8 JOWHAR 9 jowhar JOWHAR 6 JOWHAR 2

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor