Rasaas goos goos ah oo laga maqlayo Xaafada Siliga Amerikanka ee D/Wadajir

Faah faahin dheeraa ah ayaa ka soo baxaya dagaal welo ka socda Xaafada Siliga Amerikanka e degamda Wadajir kaas oo u dahxeya dadka ku nool Xaafadaas iyo Rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo mudo hal saac laga joogo soo bilaawday ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii daagalamay iyo dad rayid ah oo ku sugan Xaafada lagu dagaalamay.

Dadka deegaanka qaarjkood aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in weli rasaas goos goos ay ay dhaceyso,isla markaan aysan sirasmi ah u sheegi Karin khasaaraha uu geystay dagaalkaas.

Xaalada Xaafada Silika Amerikanka ee degmada Wadajir ayaa Maanta aad u kacsan,waxana dadka dagaalamay ay isku heystaan dhul halkaasi ku yaalla sida ay dadka Xaafadaas degna ay inoo sheegeen.

Maamulka degmada Wadajir weli kama hadlin dagaalkaas,waxa uuna saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo Ganacsiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media