Rasaas Goos Goos ah oo laga maqlayo deegaanka Xeraale

Dagaalka oo duhurnimadii Khamiista billowday ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 40 qof.

Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq, sida dadka ku nool qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo mileeshiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.

Weli rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Deegaanka xeraale, mana jiro dadaal nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in halkaa loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah kaas oo baari doona qaabkii uu dagaalkaan ku bilaawday.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media