Rasaas Goos Goos ah oo Caawa laga maqlayo Magaalada Marka

Wararkii ugu dambeeyay ee Caawa nagasoo gaaraya qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegaayn in rasaas goos goos ah laga maqlayo Xaafado ka tirsan degmada Marka ee Gobolkaas.

Xalay ayaa dagaalo culus e u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda uu ka bilaawday balse dagalkii ugu xooganaa uu ka dhacay Maanta barqadii kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Rasaas Goos Goos ah ayaa caawa la maqlayaa Goobihii ay dagaalada ka dhaceen,waxana sidoo kale jira barakac ay sameynayaan qeybaha Bulsahda oo ka casbiqaba in dushooda lagu dagaalamo.

Masuuliyiinta Maamulka degmada Marka ayaa waxa ay sheegeen in ay soo weerareen Rag ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana ay iskadifaaceen,khasaarana ay gaarsiiyeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media