Ra’isul-wasaraha Turkiga: “Kama war haynin inay Raashiya lahayd Diyaaraddii la soo riday”

Ra’isul-wasaare Ahmet Davutoglu ayaa doonaya in la yareeyo Xiisadda ka dhex aloosan dalkiisa iyo Raashiya.

Isagoo maanta la hadlayey Xildhibaanadda ka tirsan Xisbiga uu hoggaamiyo ee Xisbiga Caddaaladda iyo Garsoorka “The Justice and Development Party” ama Afka Turkishka lagu yiraahdo  (Adalet ve Kalkınma Partisi)  ayaa yiri:- “Raashiya iyo Turkiga waa saaxiibo deris ah, mana aha inuu xiriirkeenna ku xumaado shil si kedi ah u dhacay”.

Ra’isul-wasaare Ahmet Davutoglu waxa kaloo uu sheegay inaysan Dowladda Turkiga ka war hanin dalka laga leeyahay Diyaaradda la soo riday, balse ay yaqiinsadeen, markii ay Dowladda Raashiya sheegtay inay Milliteriga Turkiga soo rideen diyaaradda dagaalka ee Raashiya.

Waxa uu tilmaamay inay Raashiya tahay saaxiib muhiim ah oo ay safka hore kaga jirto Liiska dalalka aan niyadda wanaagsan u muujinay si loo adkeeyo Xiriirka labada dal.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Turkiga waxa uu mar kale difaacay go’aanka ay qaateen, isagoo sheegay dhowr jeer ayaa loo digay Duuliyayaashii Diyaaradda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Turkiga qaadi doonto tallaabo haddii lagu soo xad-gudbo xuduudkooda, sida uu dhigayo Sharciga Milliteriga

Ra’isul-wasaaraha Turkiga, waxa kaloo uu si kulul u naqdiyey Hawlaha ay Milliteriga Raashiya iyo Suurya ka wadaan Gobalka Turkmen, wuxuuna ku baaqay in si ugu dhaqsaha badan loo joojiyo Hawlgaladaasi.

Waxa uu sheegay inaysan Kooxda Daacish haba yaraatee joogin Gobalka Turkmen ee dalka Suurya, iyadoo dadka degga Gobalkaasi asal ahaan ka soo jeedaan Turkiga.

Russian President Vladimir Putin uses binoculars to watch military exercises at Donguz range in Orenburg region, about 1300 kilometers (800 miles) southeast of Moscow, Russia, Saturday, Sept. 19, 2015. Russian President Vladimir Putin on Saturday signaled his intentions to establish a Russian military air base in neighboring Belarus. (Alexei Nikolsky/RIA-Novosti, Kremlin Pool Photo via AP)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor