Ra’isul-wasaarihii hore ee Ciraaq oo booqasho ku yimid Muqdisho

Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ee Ciraaq, Iyaad Calawi ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalladda Muqdisho.

Wuxuuna maanta goobjoog ka ahaa Kulankii Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka oo lagu qabtay Xarunta Barlamaanka.

Iyaad Calawi waxa uu Kulan la qaatay Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Xildhibaano kale.

Waa markii ugu horreysay oo Mas’uul ka tirsanaa Dowladda Ciraaq uu booqasho ku yimaado magaalladda Muqdisho.

Iyaad Calawi waxa uu Ra’isul-wasaare ka ahaa Xukuumaddii KMG ee dalka Ciraaq, wuxuuna xilkaasi hayey muddo hal sanno ah (2004-tii ilaa 2005).

Sidoo kale, Iyaad Calawi waxa uu noqday Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi sannadihii 2014-kii ilaa 2015-kii.

©Radio Dalsan        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor