Ra’isul-wasaare Sharma’arke:- “Waxaan ka shaqeynaynaa sidii ay Somalia uga dhici lahayd Doorasho Dimquraadi ah”

Ra’isul-wasaaraha Xukuumada Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay ka qeyb galaan Dib-u-dhiska iyo Horumarinta dalka.

Ra’isul-wasaaraha oo la hadlayey Warbaahinta Seattle News & Information ayaa sheegay inuu la kulmi doono Qurbo-joogta Soomaalida  ku nool dalka Maraykanka, si uu ugu booriyo inay dib ugu soo laabtaan dalka hooyo, si ay Khibradooda ugu biiraan dib-u-dhiska Somalia.

“Qurbo-joogta Soomaalida Maraykanka waa inay aqoontooda uga faa’ideeyaan Ummadda Soomaaliyeed, lkoona baahan yahay taageeradooda” ayuu yiri Ea’isul-wasaaraha oo hoosta ka xariiqay inay jiraan dad weli ka baqanayo ammaanka Somalia.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu tilmaamay inay isaga iyo  xubno kale dadaal ugu jiraan sidii Somalia looga hirgelin lahaa Isbedelka Dimuqraadiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan Somalia wax Doorasho Dimquraadi ah ka dhicin muddo 40-sannadood.

“Waxaan markii ugu horreysay ka shaqeynaynaa sidii ay Doorasho Dimqraadi ah uga dhici lahayd Somalia” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha, oo intaas ku daray inay doorashaddu  fure muhiim u tahay Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somalia.

OmarAbdirashiid  waxa uu tilmaamay haddii ay doorasho dhacayso inuu u bahaan yahay inay Soomaalida Maraykanka u codeeyaan, xitaa haddii uusan isagu ku jirin Doorashadaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha waxa  uu ugu baaqay Jaalliyadda Soomaalida Maraykanka inay ka qeyb qaataan Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somalia, oo aysan sugin ilaa laga xalinayo dhibaatooyinka ka jira Somalia.

Xigasho: KUOW News and Information & 94.9 FM | Seattle News & Information

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor