Ra’isul-wasaare Sharma’arke oo cabasho ka muujiyey qaabka ay Soomaalida ku helaan Dal-ku-galka Jesiiradda Malta.


Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka Somalia, Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu kulan la yeeshay dhigiisa Jesiiradda Malta, Joseph Muscat.

Wuxuuna tilmaamay inay Dadka Soomaalida ay ku khasba yihiin inay u socdaan magaalladda New York ee dalka Maraykanka, si ay uga soo qaataan Vissa Malta.

Ra’isul-wasaare Sharma’arke  waxay uu ku booriyey Madaxda Malta inay iskaashi dhow ka yeeshaan arrimaha Fiisaha, si ay Muwaadiniinteeda  Soomaaliyeed ugu fududaato Dal-ku-galka ay ku imaan karaan Malta.

Ra’isul-wasaaruhu waxa kale oo uu u sheegay Dhigiisa Malta, Joseph Muscat inay Labada Dowladood iska kaashan karaan Kheyraadka Badda, Maraakiibta iyo Kalluumeysiga.

“Somalia waxay hodan ku tahay Kheyraadkaasi, balse Colaadaha ka dhacay Somalia  ayaa waxay Dhallinyarradu ku khasabtay inay ka tahriibaan dalkooda hooyo” ayuu yiri Ra’isul-wasaare Sharmarke oo intaasi ku daray inay Dhallinyaradaasi dib u soo laaban doonaan marka la helo Degananaansho Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Ammaan.

Ra’isul-wasaaruhu waxa kaloo uu ka hadlay Qaxootiga Afrikaanka ee magaca Somali isaga dhiiba Jesiiradda Malta, wuxuuna Dowladda Malta ku wargeliyey inuu Safiirka Somalia u jooga Malta diyaar u yahay inuu ka taageero Aqoonsiga Qaxootiga dalalka kale ee isku dhiiba inay Somali yihiin.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Jesiiradda Malta, Joseph Muscat waxa uu walaac xooggan ka muujiyey Xaalladda Somalia, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay Deganaanshaha Somalia.

Ra’isul-wasaare Sharma’arke, waxa uu ka qeyb galay Shir-madaxeedkii Afrika iyo Europe ee lagu qabtay caasimadda Malta ee Valletta, oo looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Tahriibayaasha Afrika ee ku soo qulqulayo Qaaradda Europe.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor