DHAGEYSO:- Ra’isul wasaare Kheyre”Waxyaabaha ugu horeeya ee aan wax ka qaban doono waa Abaarta”

Xassan Cali Kheyre ra’isul wasaaraha cusub ayaa sheegay in xukuumadiisa tallaabada ugu horeysa ay qaadi doonto wax looga qabanayo xaladaha abaareed ee ka jira qeybo kamid ah dalka,islamarkaana uu ku dadaali doono sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaarta si loo bad baadiyo nolosha dad badan oo ay dhibaato ku heysato gudaha dalka.

R’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in xaalado daran oo la xariira abaarta ay ka jirto meelo badan oo kamid ah dalka loona baahanyahay in wax laga qabto oo loo gurmado dadka dhibaateysan.

Waxaa uu ku baaqay ra’isul wasaaraha cusub in lagawada qeyb qaato gurmadka loo fidinayo dadkaasi si ay u helaan kaalmo deg deg ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media