Ra’isul Wasaare Kheyre oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hanbalyeeyey  sanadguurada 57aad ee xilligii la asaasay Ciidanka millatariga  ee 12-kii April.

Kheyre waxaa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh fac weyn ku leeyihiin dalka.

“Waxaan halkaan hanbalyo uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Rai’isul wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya xuska maalinta 12 April oo manasabdeedu hada ay ka socoto xarunta wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo ay ka suganyihin madasha ciidamda qalabka sida oo dhoolatus sameynaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media