Dhageyso:Sawirro:Raisul Wasaare Kheyre oo Cisbitaalka Madiina ku booqday Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Pizzy House

Raisul Wasaaraha Dalka Xassan Cali Kheyre ayaa galinkii dambe ee maanta waxa uu Cisbitaalka Madiina ku booqday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Fiidkii Arbacadii lagu qaaday Maqaaxida Pizzy House Iyo Posh ee Magaalada Muqdisho.

Raisul Wasaaraha ayaa mid mid u kormeeray qolalka kala duiwan ee Cisbitaalka oo la jiifiyay Bukaanada,waxanaa uu mid mid u dul istaagay dadka dhaawacyada kala duwan qaba.

Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf ayaa Raisul Wasaaraha uga warbixiyay xaalada bukaanada Waxaana uu sheegay in aysan jirin qof dhaawac ah oo gargar caafimaad dibada ah u baahan.

Raisul Wasaare Kheyre ayaa ugu dambeentii alle uga baryay in uu bogsiiyo dadkaasi dhaawacyada kala duwan qaba waxaana uu u rajeeyay Caafimaad.

Halkan Ka dhageyso Raisul Wasaare Kheyre:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media