Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo ka hadlay dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe,

Ra’isul-wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxa uu rajo ka muujiyey  xal u helida colaada Gaalkacyo, wuxuuna xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac ay u muujiyeen dabacsanaan iyo inay diyaar u yihiin in la joojiyo falalka gacan ka hadalka ah.

“Waxaan u soo saaray guddi heer wasiiro ah, waxayna gaari doonaan magaalada Gaalkacyo iyo goobihii gacan ka hadalku ka dhacay, waxaana rajeynayaa in xal waara oo nabadeed laga gaaro” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dadka ku dhaqan degaanadaasi ay yihiin dad walaalo ah, loona baahan yahay inay khilaafaadkooda ku xalistaan miiska wada hadalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka magaalada Gaalkacyo inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna dib uga fakaraan natiijada dagaalka, oo ah dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor