Ra’isul-wasaaraha Turkiga oo dib u dhigay Aadaanka Salaadda Duhur

Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayey Olole uu soo qabanqabaabiyey Ra’isul-wasaaraha dalka Turkiga, Ahmed Davutoglu ayaa la sheegay inuu sababay inuu dib u dhac ku yimaado xilligii Aadaanka ee Salaadda Casir.

Wargeyska.Todays Zaman ayaa qoray in muddo 30 daqiiqo dib loo dhigay Aadaanka Salaadda Duhurka, waxaana taasi u sabab ahayd iyadoo ay Taageerayaasha Ra’isul-wasaaraha Turkiga shalay dibadbax ka dhigay Gobalka Karaman ee Koonfurta Turkiga.

Caadi ahaan dalka Turkiga waxa  uu adinka Salaadda Duhurka ku beegan yahay saacaddu markay tahay 12:51 daqiiqo, laakiinse waxaa shalay la adimay abaarihii 01:22 daqiiqo.

Wakaalladda Wararka ee Cihan News Agency ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa baahisay in Iimaamyadda Masaajidda look ala diray Farriimaha Gaagaaban ee SMS-ka, laguna wargeliyey inaysan xilligii caadiga laga adimi karin Masaajida, lana shidi karin Qur’aanka, muddada ay Dibadbaxyadda socdaan.

Qaar ka mid ah dadka ayaa tegay Masaajida, si ay oogaan Salaadda Duhur. Waxay murmeen Maamulka Masaajidda, laakiinse ugu dambeyn dadkii waxay jebiyeen amarkii, waxayna si caadi ah u tukadeen Salaadda Duhurka.

Xisbiga haya Talada dalka Turkiga, oo uu xubin ka yahay Ra’isul-wasaaraha dalka Turkiga waxa uu Ololihiisa Doorashadda darteeda u go’aansaday inuu u hakiyo Aadaanka Salaadda Duhurka.

www.todayszaman.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor