Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga oo sheegay inay Ciiddamo ka joogaan Somalia.

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Corriera Della Sera, wuxuuna aad u naqdiyey qorshaha Dowladaha Europe ku doonayaan inay Faragelin Milliteri ku sameeyaan dalalka Syria iyo Libya oo ay ku soo xoogeysanayaan Kooxda Daacish.

Matteo Renzi oo Xilkaasi hayey tan iyo bishii Feberaayo 22-dii ee sannadkii hore waxa uu tilmaamay inuusan dalkiisa ka qeyb geli doonin Faragelinta Milliteri ee lagu samayanyo dalka Syria, wuxuuna sheegay inaysan tahay Istaraatijiyad shaqeyn karta.

Mar uu ka hadlayey Dalalka ay Ciiddanka Talyaaniga ku sugan yihiin, waxa uu tilmaamay inay ka hawlgalaan dalalka Somalia, Afganistan, Iraq iyo Kosovo.

Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin tiradda Ciiddankooda ku sugan Somalia, inkastoo ay jiraan Saraakiil Talyaani ah oo ka tirsan Taliska Tababarayaasha Milliteriga EU-da ee carbiska siinayo Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi waxa uu sheegay inay Talyaaniga ciiddamo xooggan ku leeyihiin dalalka Caalamka, oo tiradooda u dhow Ciiddanka Maraykanka iyo Faransiiska ee ka hawlgala Caalamka.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor