Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga iyo Madaxweynaha Faraniiska oo kulan yeelan doona.

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Jiseepe Koonte waxa uu maanta  xaqjiiyey Kulanka uu  Madaxweynaha Faransiiska, Emanwal Makroon la yeelanayo berrito oo Jimco ah, kadib, markii ay xalay ku wada hadleen Khadka Telefoonka.

Hadal-qoraal o oka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Faransiiska hoosta ka xariiqay inuusan marnaba sheegin hadal wax u dhimaya Talyaaniga ama Shacabkiisa.

Maalmihii la soo dhaafay, Faraniiska iyo Talyaaniga waxaa soo kala dhex galay Khilaaf Diplomaasiyadeed ee ka dhashay Go’aankii ay Dowladda Talyaaniga ku diideen in Markab ay la socdeen boqolaal Muhaajiriin ah ku soo xirto Dekeddaha Talyaaniga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media